Useful Links
Somali Links

Dawlada Somaliya oo Shaaca Kaqaadey Iney Xireyso Qaar kamid ah Safaaradeheda




Wasiirka arimaha dibada DKMG ah Cali Jamac Jengeli ayaa maanta wereysi siiyey laanta af somaliga ee BBCda isagoo sheegey in ay xiri doonaan safardao badan oo calamka kuyala ,


Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Soomaliya ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay go'aan satay in la xiro Safaarado badan oo ku yaala wadamada Caalamka, maadaama dhaqaala ahaan ay is bixin waayeen safaaradahaasi.

"Waxaa horay u ansixiyay Golaha wasiirrada in safaaradaha Somalia ay ku leedahay inta badan caalamka, waayo ma jiraan wax dhaqaale ah oo loo hayo, balse haddii la helo dad bixiya dhaqaalahooda oo Kafala qada way sii shaqeynayaan" ayuu yiri wasiirka oo saxaafadda la hadlay,

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay dhowaan DFKM ah soo bandhigi doonto qorsheyaal lagu maamulaayo Safaaraddaha ku yaala dalka dibaddiisa, isla mar ahaanta dhowaan ay ansixin doonaan Golaha Wasiiradda.

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horesey ee ay dawlada Somalia ka dhawaa Jiso iney xirayaan Qaar kamid ah Safaradaha ay kuleeyihiin wadama calamka,


Mohamud Cadaani
mxliibaan@hotmail.com