YAA QABSADAY LAASCAANOOD YAASE LAGA QANSADAY
Waxa in dhawaalaba hadal haynteedu badnayd qabsashada gobolka sool oo ay sheega shadeedana u dhaxayso labada maamul ee hareeraha ka xiga.hadaba waxay tahay iswaydiintu yaa qabsaday yaase laga qabsaday
Marka xaqiiqada laga hadlayo waxay tahay dadka u dhashay gobolka ayaa kala qabsaday kuwaasoo u kala janjeedha labada maamul waxaana kuu cad intaanuu xaabsaxe ka diga rogan putland in maamulka gobolka sool uu gacanta ugu jiray dhinaca putland .hayeeshee khilaaf soo kala dhexgalay madaxda sare iyo xaabsade ayaa keentay in farahooda laga maroojiyo dhinicii markii hore ka talinayay laascaanood
Hadaba waxa la filayay in ragii ka tirsanaa maamulka putland ee ka soo jeeda reer sool inay maamulkooda ku khasbaan inay dib ula wareegaan magaaladii laga soo saaray ee may ahayn inay ku tiiraabaan isaaq ayaa naga qabsaday laascaanood isaaq muxuu hore ugu qabsan waayay markii xaabsade wasiirka arimaha gudaha ahaa mindhaa markaa isaaq ma jirine haduu dhashay. hadii lagaa siyaasad badiyo nin waliba waxa uu shacabka ku kasbado waa yaqaan waayo waxa uu diidayaa inay la yiraahdo wixii loo igmaday waa ku fashilmay.taasina waxay dhalisay in dadkii ugu karaamada badnaa beesha ee ahaa isamda inay maanta marba geed laga eryanayo iyagoo deegaankii ay u dhasheen u muuqda inay yihiin dad marti ku ah taasna waxa keenaya isamada laftooda aanay ahayn kuwa xaqiiqada ka turjuma waayo waxaad moodaa inay siyaasada ku dhex milmeen ama ay kala taageerayaa rag xaga siyaasada ku kala irdhoobay.
Hadaynu eegno xaga shacabka reer laascaanood maaha kuwa ka midaysan kala taageerida maamulada hareeraha ka xiga ee waa kuwo aad moodid inay dhinaca saarayaa hadba siyaasiga reer ahaan u xiga waana ta keentay inay iskaba ilaawaan ciday u raaci lahaayeen waxa keenay jaahwareerka siyaasadeed ee ku habsaday gobol
Dhinaca kale maamulkii laga qabsaday ayaad moodaa inaanu uba jeedin ka hadalka ama ku dagaalanka gobolak sool iyagoo xujo ka dhiganaya in reer sool horta ha midoobaan taasina waxay cadaynaysaa in ay lee yihiin dhulbahante u kala hiilinmayno waana marmarsiiyo aan geedna loogu soo gabanayn waayo Somaliland dhulabahanta raacsan waa u hiiliyeen maxay iyagu dhulbahanta raacsan ugu hiilin waayeen taa macnaheedu waa wanagama tirsanidin hadaad garoowe marti ku ahaanaysaan dee tol ayaad tihiine waa idin banaan tahay laakiin xag milatari hanaga filanina
Qolada qurbaha iyaguba waaba ka dhacsan yihiinoo waa iilka kii dhigay u ergootooy kuwii laga qabsadee yiri that is enough ayaadba moodaa inay dhagaysanayaan calaacalkooda ah isaaq ayaa na qabsaday waana ta keenat dhamaan mareegaha ku hadla af ka gobloka sool ay qoraan waayo waxaanay garanayn meesha gobolka looga soo dhacay iyo in siyaasiyiin reerka u dhalatay ay ku kala xoog bateen maamulkii la hoos gayn lahaa sool
Ceerigaabonews/Desk
Uk