Muxuu salka ku hayaa Is qab qabsiga taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Sanaag Iyo Kan Ciidanka Booliiska puntland oodhan oo warqad casilaad ah ka gudbiyey taliyaha gobolka sanaag ee booliiska kadib markii maalin ka hor uu kudhawaacay in aamaanka gobolka sanaag iyo highland galbeedka bari khaasatan degmada laasqoray iyo xeebta gobolka sanaag ay nadiif tahay amaankeedana u yahay mid 100% islamarkaana uu damaanad qaaday arimaha dib udhiska dekeda laasqoray in amaankeeda uu ku fulinyahay oo beesha aan looga baahneyn ciidan khaas ah oo kharaj iyo dakhli kaga boxo uuna ciidamada booliiska puntland ee gobolka sanaag amaanka kusugaayo ayaa waxa durbadiiba warqad xil kaxayuubin ah ka gudbiyey taliyaha booliiska puntland.
Gudbintan Warqada Casilaada Taliyaha Gobolka Sanaag Dabaq Maxamed Liibaan Ayaa Kusoo Beegan tahay Xili uu Ku gudo jirey Damaanad Qaadka Amaanka Dekeda Laasqoray Iyo Goboladas Waxana uu Degaanka Taliyaha uu kayahay horay ugu diidey kooxo burcad badeed ah oo maraakiib watey oo lasheegay in ay damceen in degmada cad cado ay keenan isagana ay xiriir lasoo sameeyeen kuwaasi oo ay wateen Rag kasoojeeda Gobolka Mudug iyo nugaal Balse ay usheegeen in ay hashiis diyaar ulayihiin uuna Garabsiinaayey Taliyaha Booliiska Puntland oo Taliyaha Booliiska Gobolka Sanaag Ku dhiiri Geliyey In Lacag Fiican Ay Labadooda burcadu u ogolyihiin uuna u ogolaado in degaanka gacan markabkaas ay latagaan bishii jan 13 ayey ahayd sida ay sheegeen Saraakiil Katirsan Ciidanka Booliiska Gobolka Sanaag.
Taliye Dabaq Maxamed Liibaan Iyo Kan Booliiska Puntland oo khadka Telfoonka Kuwada Xiriiray Ayaa Lasheegay In Hadalo Kulul Ay Isdhaafsadeen Kadib Markii Taliyaha Booliiska Sanaag uu Taliyaha PUNTLAND KU Yiri Nugaal Iyo Mudug Gey Kooxaha Burcada Ah uuna usheegay In Gobolka Sanaag Iyo Hayland uu isaga taliye kayahay.
Taliyaha Booliiska Puntland Ayaa usheegay In Degaanka Dhaqcaan Iyo Jaanka Duleedka AIRPORKA Boosaaso ah markabkaas imaanaayo islamarkaana ay gobolka bari taliyeheeda isagu uu ogolyahay in ay wada xaalaan taliyaha Gobolka Sanaag Ayaa Sheegay In hadii Degaanka Bari Wixii Buruc XagaKasoo Lakeeno uu weerer kusooqaadaayo Islamarkaana Qabsanaayo markabkaas oo Dowladii lahayd ugacan gelinaayo Arintan Ayaa Lasheegay In khilaaf soo kala dhexgelisey labada taliye Iyadoo Horay Ay Ujireen is maandhaaf ka yimi dhinaca dhaqaalaha oo taliyaha booliiska sanaag uu sheegay in howl gal uu degaanka sanaag kusameyey ay kubaxaday lacag gaareysa 700.malyan ahna shilin somali somali ah Taasi oo Taliyaha Booliiska Puntland Bixyey Balse uu Gacan Ka Hadal dhexmaray.
Taliyaha Booliiska Puntland Ayaa Sheegay In Howl Galka Sanaag Weligeed aaney kubixin Lacag Gaarta Xitaa 30 malyan oo shili somali ah balse ay lacagtani kubaxday kooxo kale oo aan amaanka puntland kashaqeyeyn waa sida uu hadalka udhigaye.
Taliyaha Booliiska Gobolka Sanaag C/xakiin maxamed Liibaan Dabaq Ayaa warqada Laga gudbiyey Aan weli ka hadlin marka laga reebo warbixino saraakiisha Kale ee booliiska gobolka sheegeen taasi oo ah in madaxweyne faroole lala sugaayo qorshahaasi taliyaha Booliiska Puntland Ayaa Xafiiska Faroole Gaarsiiyey Is Casilaadiisa Hadii Dabaq Lacasili waayo Iyo In uu xilka kadegaayo walow masuulkaasi warqadiisa uu ku hungoobey sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amaanka puntland.
Dhinaca Kale Taliyaha Qaybta Gobolka Bari Ayaa Sheegay In Waan Waan uu kadhexwado masuuliyiinta Ciidanka Booliiska Gobolka Sanaag Iyo puntland
Ceerigaabonews/desk Garoowe SICIID MUSE CALI