Ururka Raaskabooni Iyo Ururka Xarakatul Alshabaab Mujaahidiin oo Midoobey
Wararka naga soo garaya magalda Baydhabo Ee gobolka Bay ayaa sheegaya in maan ta si Buuxda ugu dhawaaqeen iney midoobeen ururka xarakatul alshabaab iyo ururka Raaskabooni.
Iyagoo magalda baydhabo kudhigteen xaflad ay ku muujiyeen midnimadooda waxeyna halkaas kusheegeen in ururka raaskabooni uu si buuxda ugu biirey xarakatul Alshabaab maanta lagabilaabona ay isku magac yihin ayna wadawataan magaca almujaahidiin Alshabaab ,
Munaasibadaa oo ay kasoo qayb galeen madax aad utiro badan oo kakala tirsan labada Dhinac waa alshabaab iyo Raas kabooni ,
Labada dhinac ee midoo bey ayaa waxaa lasheegey iney isku afgarteen 6 Qodob ,
Qodobada lagau heshiiyey ayaa waxaa akhriyey Sheikh Fuaad Maxamed oo kamida madaxda Alshabaab ,waxayna kala yihiin sidan ,
1-in la Mideeyo dhamaan Mujaahidiinta labada dhinac ee Al shabaab iyo Raaskanbooni.
2-Radinta Midnimada Muslimiinta Gaar ahaan Mujaahidiinta
3-in loo howlgalo dhismaha Dowlad Islaami ah oo hirgelisa shareecada Alle.
4-in loo hiiliyo umada muslimka ah siiba kuwa ku dulman bariga iyo geeska Afrika,kuwaasoo ku hoos nool cadowga Kiristaanka. ah Laga tiro badan yahay
5-si loo soo celiyo sharafta Muslimiinta ee dhaawacantay, Quwadooda siyasadeed mid dhaqaalahaba iyo mid milatari waa in lamideyaa Muslimiinta kunool Bariga Iyo Geeska Africa, lana tirtiraa colaada oo gumeystuhu dhex dhjigay.
6-in laga hortagaa duulaamada ay Gaaladu ku hayaan Islaamka,islamarkaana lagu xirmaa jihaadka geeska afrika Lagu xiro jihaadka caalamiga ah ee uu hogaamiyo u yahay Abuu Cabdulaahi Usama Bin Laden,
Heshiiska labada dhinac kala saxiixdeen waxaa fadhiyay mas'uuliyiin labada dhinac kala mataleysay Wxaana kamid ahaa :-
Dhinaca Raaskanbooni
1-Sheekh Xasan C/laahi Xirsi (Turki)
Dhinaca Xarakatu shabaabul Mujaahidiin
1-Sheekh Mukhtaar Abuu C/raxmaan Abuu Zubeer
2-Sheekh Mutaar Roobow Abuu Mansuur
Xoogaga raaskambooni ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen kooxaha islaamiyiinta ah ee Ururka Xizbul Islaam .
Kabixitaanka Raas kabooni ayaa dhabarjab kunoqonaya shiikha kursi doonka ah ee Sheikh Xasan Daahir Aweys,
Mohamud cadaani
mxliibaan@hotmail.com
ceerigaabonewsdesk