Faalo Gaaban Yaakadameyey Dilkii Gudoomiyaha Ururka Midowga Dhalinyada Somaliyeed Ee Xalay lagu Diley Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Alle How Naxariistee c/laahi mahdi xasan Seyidka oo Koox Dhalin Yaro Ah oo Hubaysan Dileen.
Hadaba Akhristow Aniga oo Xubin ka Ahaa ururkaas wiilkaasi hugaamin jirey islamarkaana xog dhab ah kahaya dilka waxa aan cadeynayaa in dilkaasi uu ahaa mid ay soo maleegeen siyaasiyiin maamulka puntland kamid ah uunka ugu weyn yahay ninka madaxweynaha puntland ka ah wiilkiisa iyo wasiirka amaanka puntland ayna fuliyeen dhalin yaro 4 ah oo beesha majeerteen kasoojeeda kuwaasi oo dhinac kaga jira ciidanka booliiska puntland dhinacna lacag kaga qaata ciidamada pista ee degaanka puntland dhibta iyo murugada tirada badan kuhaya.
Dilkan oo markii uudhacay aan ujirey meel shan iyo tob talaabo keliya ujirta marxuunka dhintay ayaa hadana waxa dhacday in halkaas aaney soo gaarin ciidanka booliiska iyo kooxaha kale oo awal dadka is dilalka noocaas oo kale ah uqab qaban jirey kuwaasi oo ah beel dagaal kula jirta jiritaanka dadka kale iyo sameecadooda waxana wiilkaas horay xafiska pista ugu yeeray ninka madaxda u ah kooxahaas asha haado ladirirka ah .
Ciidamada PISTA iyo Kuwa Booliiska puntland ahaay ah kuwo Marka Ay Howl Galsameynayaan Qabyaalad iyo qof tooxsi wax ku abaabula islamarkaana aan sharci iyo haykal ciiidan nadaam iyo masuuliyad lahayn.
Su Aasha Isweydiinta Mudan Ayaa Ah Maxaa Dilka 2 Wiil ee Geystey Xerada PISTA Galay Loosooqab qaban waayey iyadoo horay ciidankaasi rag si bareere ah usooqab qabteen kuwaasi oo ay ku masabiteen in ay geysteen dilal kadhacay degaanka gobolka bari taasi oo salka ku haysey qorshe abaabulan oo beesha majeerteen kubaadidoonaayeen beesha nimankaasi kasoojeedeen oo iyagu weli wax talaabo ah aan kaqaadin qorshihii hore kadib markii wiilashooda dil toogasho ah oo sharaacada islaamka iyo xun cadaalad ah midna aan shaqo kula hayn balse ka mid ah qorshe abaabulan oo beesha majeerteen ku beegsanayeen beesha maxamud harti oo iyagu aan arag colaada beeshaasi uhayso iyo utumaha fog iyo dhibta ay ka tirsanayaan taasi oo masuul kasta iyo ciiroole iyo ciyaal ku ciilanyihiin ka aarsiga beesha warsangeli oo dagaal aan cidna kula jirin hadeer ka hor beesha maxamed harti;
C/laahi mahdi oo ah nin kasoojeeda beesha reer ugaadeen absame ayaa dilkiisa waxa masuul ka ahaa maamulka puntland oo marar badan wiilkaas kulamo arimaha bulshada uu kala hadlaayo ah layeeshay taasi oo sabab unoqotay in wiilkaas layska sooqabto booskana ay geeyeen wiil iyaga ah ,
Faaladan Webka Shaqo Kumaleh Nuxurka Ay Xambaarsantahay Kala Xiriir Masuulka Iska Leh.
C/SHUKUUR MIRE SICIID BOOSAASO