Talaabadan oo ciidamada ay fuliyeen habeenkii xalay ayaa waxaa ay ka dambeysay ka dib markii fal dil ah loogu geestay wiil dhalinyaro ah gudaha magaalada Boosaaso.
Wiilkaasi ayaa waxaa uu u geeriyooday dhaawac aad u daran wuxuuna geeriyooday xilli loo sii waday cisbitaalka, iyadoo aan la garaneyn cida gaarsiisay dhaawacaasi uu u geeriyooday.
Ciidamada ayaa xalay waxaa ay isku fidiyeen xaafado ka tirsan magaalada Boosaaaso iyagoona soo qab-qabtay dhowr qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin dilkaasi.
Dadka la soo qab-qabtay ayaa waxaa ku jira dad lala xiriirinayo falal burcadnimo ah, waxaana saraakiisha ciidamada ay sheegeen in dadkaasi gacanta lagu soo dhigay iyagoo dhac iyo baarasho ku guda jiray gudaha magaalada Boosaaso
Mohamed Amiin
Diiwaanka Wararka
Ceerigaabonews/Desk
Bosaso Puntland Somalia, saydanahmed@gmail.com