Qaraxan oo ahaa mid waddada loo dhigay Badhasabka ayaa noqonaya qarixii 3aad e ka dhaca Bishan magaalada Laascaanod ama Gobolka Sool ba, Qaraxan ayaa waxa ku dhintay sida warar aan la xaqiijin ay sheegayaan hal askari oo ka mid ah ilaalada Badhasaabka,
sidoo kale waxa uu dhawaac Culusi soo gaadhay, Darawalkii Gaadhiga Badhasaabka, mid ka mid ah ilaalada gaarka ah ee badhasaabka iyo weliba Islaan Shicib ah oo waddada qaraxu ka dhacay maraysay oo qaraxani la baxay laba lugood, waxana afar meelood Dhaawac ka soo gaadhay Badhasaabkii Gobolka Faarax Askar xusen .
Habada qaraxan ayaa la damacsanaa in lagu khaarajiryo Bashasaabka Gobolka, marka loo eego halka qaraxu ka dhacay iyo sida uu u dhacay intaba, Ciidanka ammanka ee Gobolka SOOL ayaa waddooyinka Magaalada us oo baxay isla markaasna baadhitaano kal duwan samaynaya, iyadoo xaaladda Guud ee magaaladu hakad yara gashay isu socodkii iyo adeegii guudba,
waxaana magaalada Laascaanood ka maqan gebi ahaanba adeegii Internetka wakhtigan, sida ay sheegeen weriyaal Goob joogayaal ahi oo khadka telephone ka aan kula xidhiidhay.
Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa lagu wadaa in loo soo qaado dhinaca magaalada Burco.
waxaa ku sugan magaalada Laascaanod wasiiro tiro badan oo gaadhay 8wasiir, waxana had iyo jeer qarayada ka dhaca magaaloyinka lala beegsadaa masuuliyinta dawladda iyo sarkaalada sare ee ciidamada.
Wararka ayaa sheegaya in aan weli cid loo qaban qaraxan, balse ay baadhitaano adagi socdaan.
Diiwanka Wararka
Ceerigaabonews/Desk
Ceerigaabonews@gmail.com