Useful Links
Somali Links

Gabadh Somaliyed Oo Meydkeedii Laga Helay Bada U Dhaxeysa Greece Iyo Turkiga


waxaana doontaas ku wehliyay gabadhaan 12 qof oo kale oo Soomaali ah oo ku safrayay doontaan oo ay la socdeen dad ka badan 50 qof oo Afrikaan ah.


 


Maydka marxuumaddaan lagu magacaabi jiray Fowsiyo C/laahi Ismaaciil ayaa la sheegayaa in lagu aasi doono Jasiirad kale oo ku taala isla dalkaas, waxaana jira laba gabdhood oo ku dhaawacmay halkaas oo hadda xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo Isbitaal.


 


Dadkaan ayaa ku safrayay doon ah nooca hawada ku socda ayaa la sheeegay in doontoodu ay hawo baxday ( aariyo baxday) xilli ay ku dhawaayeen xadka dalka Greece uu la wadaago dalka Turkiga, waxaana u gurmaday Ciidamada badda ee dalka Greece.


 


Kumanaan tahriibayaal ah oo ay ku jiraan dad Soomaaliyeed ayaa had iyo goor ku safra badda u dhaxeysa wadamadaan kuwaas oo ku sii jeeda qaar ka tirsan wadamada Yurub oo ay ka raadsanayaan nolol dhaanta tan ay wadamadooda uga soo haajireen, waxaana soo wajaha tahriibayaasha dhibaatooyin xabsi iyo dhimashaba isugu jira oo ku xeeran hadafka ay ku raadinayaan nolol nabad leh.

Diiwaanka Wararka
Ceerigaabonews Desk
Ceerigaabonews@gamil.com