Tacsi Tiraanyo Leh Inaa Laahi Waa Inaa Ilayhi Rajucuun Marxuum Maxamed Cali Gurey oo ku geeriyooday magaalada xingalool
Marxuum Maxamed Cali Gurey oo ku geeriyooday magaalada xingalool oktober 9,2009 ayaa da'diisu aheeyd 92 sano jir isagoo dhashay waxtigii dagaalkii koowaad ee aduunku sii dhamaanayey Soomaliyana dagaaladii daraawiishtu ka socdeen.Marxuumku wuxuu ku dhashay halka aay magaalada Ceerigaabo maanta tahay oo aan markaas magaalo aheeyn.
Marxuumka ayaa ka soo jeeda qoys xoolo dhaqato ah oo aanayna ka madhneeyn xadaaradii Waqderiya ilaa beri carbeed (Cadan, Yemen). Marxuumka oo ahaa dhalinyaradii garab taagneeyd Siyaasiyiintii iyo Salaadiintii reer Sanaag sida Cumar Hoori iyo Suldaan Maxamuud Cali Shire markii aay ku unka yeen ururkii siyaasiga ahaa ee U.S.P meesha looyaqaan Golkhaatumo ee duleedka magaalada Laascaanood ururkaas oo dhaliyey xornimadii waqooyiga Soomaliya ay ka qaateen Ingiriiska.
Marxuum Maxamed Cali Gurey waxaay saaxiib dhoow ahaayeen Abwaankii iyo wadanigii Soomaliyeed ee Xaaji Aadan (AF-QALOOC).Marxuum Maxamed wuxuu ahaa ninkii xifdiyey isla markaana ku luuqeeyn jiray wixii uu suugaan, murti iyo gabayo uu lahaa Abwaan xaaji Aadan Afqalooc.Marxuum Maxamed wuxuu ahaa abwaan iyo gabyaa aad u yaqaan suugaanta soomaalida.
Marxuum Maxamed waxaa uu ahaa beeldaaje,Samadoon, odey beeleed Soomaaliyeed khaas ahaan gobalka Sanaag magaalada ceerigaabo.Waxaa oo ku soo jiray dawladahii hoose ee magaalada Ceerigaabo tan iyo intii Soomalidu xornimada qaadatay haday ahaan laheeyd dawladihii shacbiga haa iyo kuwii militeriga ahaaba. Isagoo ahaa siyaasi heer degmo ilaa heer qaran. Marxuum Maxamed waxaa uu taageeray inay heshiiyaan isla markaana aay nabad kuwada noolaadaan beelihii dagaalka sokeeye ku dhexmaray kuna kala qaxay magaalada ceerigaabo dhamaadkii sideetamaadkii iyo bilowgii sagaashanaadkii arintaas oo hirgashay. Mar dagaal ka dhacay gudaha magaalada ceerigaabo bilowgii sagaashanaadkii dagaalkaas oo dhexmaray beelaha walaalaha ah ee galbeedka ceerigaabo marxuum maxamed wuxuu ahaa Gudoomiyihii ergadii dhexdhexaadinta arintaas oo nabad ku dhamaatay.Marxuumku wuxuu si toosa iyo mid aan aheeynba uga qeyb qaatay Nabadeeyntii Gobolka Sanaag meeshii aay ku qabsoontayba.
Marxuum maxamed Cali guray wuxuu ahaa abwaan, siyaasi, wadani iyo odey dhaqameed soomaliyeed oo soomaali ka baxay.
Qoysaskan hoos ku xusan iyo qaar kale oo aanan halkan ku xusin Magacyadoodu waxaay tacsi udirayaan eheladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka geeriyooday MAXAMED CALI GUREY oo ku geeriyooday magaalada Xingalool ee Gobalka Sanaag taariikhdu markaay aheeyd October 9,2009 oo ku beegan 20 bisha xurmada leh ee Dulqicda.Waxaay tacsi dirayaashu ilaahay uga baryayaan qoyskiisa Reer Maxamed Cali Gurey iyo reer Cali Gureyba in samir iyo iimaan ilaahay ka siiyo geeridaa marxuumka ku timi isagana ilaahay hooy amase guri uga dhigo Janadii Farduusa.
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHU RAAJACUUN.
TACSI DIRAYAAL:
1. REER HOORI
2. REER QOORSHEEL
3. REER DUCAALE XAAJI CILMI
4. REER CABDI CAWL
5. REER XIRSI CABDI RABAAX
6. REER XAAJI MAXAMUUD AW MUSE
7. REER JAAMAC IBRAAHIM
8. REER XAASHI FAARAX NAALEEYE
9. REER DUCAALE AW CILMI
10. REER DUCAALE SAALAX ISMAACIIL FIQI
11. REER LOOSHADE
12.REER CABDI DUCAALE AADAN(CABDI MADOOBE)
13.REER MACALIN CISMAAN
14.REER DIIRIYE DUCAALE
15.REER CAWL
16.REER SHIDE
17.REER FAARAX QAALIB
18.REER TARAAWIL
19.REER HIDIDAA
20.REER SAMATAR
21.REER CABDILAAHI XAASHI CALI
22.REER AADAN XUSEEN CABDALE ( AADAN MATAAN)
23.REER FAARAX NUUR
24.REER ISMAACIIL MAXAMED ISMAACIIL
25.REER AADAN GAS
26.REER DOONYA LAQE
27.REER MUSE CABDI MAXAMED
28. REER DHAXAMOOD(DEEGAAN)
29. REER DAARA SALAAM(DEEGAAN)
30. REER CEERIGAABO (DEEGAAN)
31. REER WAQDERIYA (DEEGAAN)
32. REER SANAAG (DEEGAAN)
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHU RAAJACUUN.